Horudhac
                                                   Suuqa sarifka lacagaha qalaad waa xirfad caalami ah oo ay maalin walba Bangiyada iyo

      maalgashadayaasha shirkadaha leh iyo kuwa   shacabka ahiba ay isku bedelaan Lacagaha kala duwan ee dalalku ay leeyihiin. Waxa ay iska iibiyaan
lacagaha markaas qiimahoodu sareeyo balse laga yaabo in uu hoos u dhaco, sidoo kalena waxay soo iibsadaan lacagaha qiimahoodu uu markaas
hooseeyo balse la rajaynayo in uu kor u kaco si ay hadhoow usii iibiyaan marka lacagtii qiimaha yar lagu soo iibsaday ay suuqa ka yeelato qiima ka
sareeya kii ay kusoo iibsadeen. Deetana kala bedelkaas lacageed ayay khidmad ka faaidaan.
Suuqa sarifka lacagaha Qalaadi waa fursad 24-ka  saac ee maalin iyo habeen furan, shanta maalmood ee shaqada. Dhaqdhaqaaqa ugu horeeya ee suuqu
waxa uu soo bilowdaa saq dhexe Habeenka Isniintu soo galayso waxa uuna xirmaa fiid hore habeenka
jimcuhu sii baxayo Sabtiduna soo galayso.Sariflayasha suuqaan ka shaqaysta oo idil waxa ay ku shaqeeyaan hab Online ah, Si uu qofku suuqaan
qayb uga noqdo wuxuu u baahanayahay,  kambiyuutar, moobil iyo Internet. Hawshaan oo idil
waxa ay ka dhex socoto waa Shabakada Internet-ka,
ma jiraan dad si toos ah inta ay u kulmaan lacagaha  8 kala beddelaya, ha yeeshee

Maalgashiga iyo maamulida lacagtaada kuli waxa ay ka dhex dhacayaan waa Internet-ka dhexdiisa. 

Berigii hore suuqaan sarifka keliya waxaa ka shaqaysan karay, Dawladaha iyo Bangiyada, hase ahaatee kadib markii Internet-ka iyo kambiyuutaradu ay soo baxeen Ayaan fursad u helnay in dadka caadiga ah ay sidoo kale suuqaan qayb ka noqdaan. Tiknoolajiyada iyo internetku waxa ay Dullaalka suuqa ee loo yaqaan Broker ay u fududeeyeen in shacabka aniga iyo adiga oo kale ah aan suuqaan ka dhex shaqaysan karno inaga oo Broker-ka sii dhex marayna. Dullaalku waxa uu si jumlo ah u soo iibsaday lacagihii layku beddeli lahaa, deedna waxa uu inoo ogolaaday in aan isaga dhexdiisa si tafaariiq ah uga sii kala gadano, inaga oo Brokerka koonto ka furanayna. (Dullaalka iyo sida uu u shaqeeyo iyo wax walba oo ku saabsan gadaal ayaan kaga hadli doonaa) 

Play Video
Play Video
Play Video
Play Video
Play Video
Scroll to Top